Mid kamid ah daafacyada Liverpool oo dib ugu soo laabtay tababarka.

0
206

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mid ka mid ah daafacyada Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dib ugu soo laabtay tababarka ka hor kulanka ay habeen dambe la leeyihiin Naadiga Manchester United.

Liverpool ayaa dib u heshay mid ka mid ah daafacyadeeda ka hor kulankooda ee Premier League oo ay wajahayaan Manchester United, waxaana dib ugu soo laabtay tababarka daafacooda Joel Matip.

29-sano jirkaan ayaa seegay saddexdii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay Liverpool, labadii kulan oo ay horyaalka ku wajahday Newcastle iyo Southampton si la mid ah kulankii ay guusha ka gaareen Aston Villa ee FA Cup-ka.

Daafacyada dhexe ee Virgil van Dijk iyo Joe Gomez ayaa weli sii joogteynaya dhaawacyadoo jilibka ah ee ay la maqan yihiin, halka Matip oo isaguna dhaawacyo la dhibtooday kal ciyaareedkan uu haatan soo laabtay.

Matip ayaa haatan dib ugu soo laabtay kooxda uu hoggaamiyo macallin Jurgen Klopp, kaasoo dhaayaco difaac ay hareeyeen xilli ciyaareedka oo dhan, waxaana uu eegayaa Matip uu Man United ka hor istaago habeen dambe inay lix dhibcood oo nadiif ah ku qabtaan hoggaanka horyaalka Premier League.

Haddii uu Matip taam u noqdo inuu wajaho Man United, kaddib waxa uu natiib u yeelan doonaa inuu daafaca dhexe kala garab ciyaaro Fabinho, inkastoo Klopp uu wali dooran karo inuu booskaas ku bilaabo Rhys Williams, Nat Phillips ama Jordan Henderson.

Liverpool, oo aan wax guul ah gaarin saddexdii kulan ee ugu danbeeyay ee horyaalka, ayaa la dhibco noqon karta Man United haddii ay saddex dhibcood gacanta ku dhigaan habeen dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here