Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Qadar

0
200

JOWHAR (Radio Isnaay) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Qatar ee Soomaaliya.

Labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen horumarinta mashaariicda dowladda Qatar ka wado Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Banaadir iyo sidii loo dar-dargelin lahaa mashaariicda kala duwan ee dowlada Qatar ka hirgelineyso caasimadda.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah ku-xigeenada Guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana uu ku soo idlaaday jawi is afgarad ah.

Dowladda Qatar ayaa kamid ah dowladdaha sida weyn u taageera dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu horey kulan ula qaatay qaar kamid ah Safiirada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here