Waa Kuma Xiddiga Barcelona Ka Tirsan Ee Doonaya Inuu Suuqa Bishan January U Wareego Arsenal?

0
237

JOWHAR (Radio Isnaay) Goolhayaha ree Brazil ee kooxda Barcelona ee Neto Murara ayaa lagu soo warramayaa inuu doonayo inuu suuqa bishan January u wareego dhinaca horyaalka Premier League gaar ahaan kooxda Arsenal.

Neto oo xagaagii 2019 dhinaca Valencia heshiis 23 Milyan oo Pound ah ugaga yimid Barcelona ayaa tan iyo wakhtigaas goolhayaha dookha labaad u ahaa kooxda ree Spain isagoo ka dambeeyay Marc Andre Ter Stegen.

Si kastaba, sida uu sheegayo wargeyska Mundo Deportivo, 31 sano jirkaas ayaa Barcelona kaga biiri doona dhinaca Arsenal haddiiba ay kooxdav waqooyiga London saxeexiisa doonto bishan.

Kooxda tababare Mikel Arteta ayaa doonaysa goolhaye kale oo kaabis u noqda Bernd Leno oo dookha 1-aad ah kaddib markii ay Emiliano Martinez ka iibiyeen Aston Villa xagaagii.

Saxeexa goolhayaha ree Iceland ee Alex Runarsson ayaa noqday mid fashilmay isaga oo aan isku soo muujin tartamada koobabka maxaliga ah.

Waxa la aaminsan yahay in heshiis qabsoomaa uu faa’ido u noqon doono dhammaan dhinacyada ka qayb qaadanaya maaaama Barca qudheedu ay doonayso inay hoos u dhigto lacagaha ay mushahar ahaan u bixiso.

Fursadan ayaa Arsenal ka dhigi doonta kuwo xoojiya safkooda halka uu Neto awood u yeelan doono inuu Leno tartan la galo.

Xilli ciyaareedkiisii koowaad Neto ayaa tartamada oo dhan kaliya 5 kulan usoo ciyaaray Blaugrana balse 2020-21 kasoo qayb qaatay sagaal kulan oo 6 kamidi ahaayeen horyaalka La Liga maadaama oo uu mudo dhaawac ku maqnaa Ter Stegen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here