Arsenal Oo Barbaro Niyadjab Ah Ku Gashay Gurigeeda.

0
173

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Afartii Guul ee isku xigxigay ee Arsenal ayaa la soo gabgabeeyay ka dib markii ay barbaro niyadjab leh kala kulmeen kooxda Crystal Palace oo marti ku aheyd Emirates Stadium iyagoo ku kala baxay barbaro goolal la’aan ah.

Labada kooxood ayaa fursado waa weyn kala helay labadii qeyb ee ciyaarta iyadoo Palalce ay wacdarro dhigtay qeybtii hore halka Arsenal ay qeybtii labaad cadaadis xoogan saartay kooxda martida aheyd balse waxba kuma keenin.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Arsenal ay ku jirto kaalinta 11aad iyagoo leh 24 dhibcood, waxaana xusid mudan inay ciyaareen 18 kulan oo aysan inta badan kooxaha ka hooseeya ama ka sareeya dheelin.

Qeybtii hore ee ciyaarta oo laheyd madadaalo weyn iyadoo kooxda Crystal Palace ay heshay fursadihii ugu waa weynaa ciyaarta, waxay Arsenal u garaaceen birta halka goolhaye Bernd Leno uu sameeyay badbaadino fantastik ah.

Arsenal iyaga laftooda fursado kooban ayaa soo maray laakiin goolhaye Vincente Guiata uma mashquul badneyn sida Bernd Leno.

Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah iyadoo Palace ay ka qoomameyneysay inay gool u bedelaan fursadihii cajiibka ahaa ee soo maray.

Arsenal ayaa ciyaarteeda wax ka bedeshay qeybtii labaad ee ciyaarta iyagoo ka ilaaliyay Crystal Palace inay hesho wax darbo goolka ku bartilmaameedsan ah halka ay iyagu seddex jeer sigeen goolka Crystal Palace.

Arsenal ayaa bedelkeedii ugu horeysay sameysay daqiiqadii 64aad iyagoo soo geliyay xiddigooda ugu qaalisan Pepe oo bedelay Maitland-Niles.

Laakiin bedelka Pepe waxba kuma soo kordhinin ciyaarta iyadoo labada kooxood ay ku heshiiyeen barbaro goolal la’aan ah oo ay isku mari waayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here