Tirada Ciyaartoyda Laga Helay Korona Fayras Usbuucan oo La Shaaciyay.

0
263

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Premier League ayaa shaaciyey tirada cusub ee xanuunka Korona Fayras ah ee laga helay ciyaartoyda iyo shaqaalaha kooxaha Premier League kaddib markii lagu sameeyey baadhitaankii toddobaadlaha ahaa.

Toddobaadkii hore ayaa waxa cirka isku shareeray tiraa ciyaartoyda iyo shaqaalaha uu xanuunkani ku dhacay, taas oo gaadhay heer walaaceeda leh oo 40 qof karantiil loo geliyey, hase yeeshee tijaabadan ugu dambaysay ayaa xoogaa na hoosaysa middii hore.

Laba wareeg oo baadhitaano ah oo laga qaaday 2,593 ciyaartooyo iyo shaqaale iskugu jira, waxay natiijada kasoo baxday muujisay in 36 ciyaartooyo iyo shaqaale iskugu jira uu Fayrasku ku dhacay, waxaanay taasi afar kiis ka yar tahay intii usbuucii hore.

Intii u dhaxaysay Janaury 4-7, waxa la helay 27 kiis oo cusub oo fayraska ah, waxaanay sagaal kiis ka badnayd tiradii lagu helay baadhistii la sameeyey January 8-10.

Natiijada baadhitaankan cusub ayaa waxay nefis aan badnayn siinaysaa kooxaha uu walaaca weyni saaran yahay.

Laakiin waxay dhinaca kale kusoo beegmaysaa xilli la baajiyey kulankii ay toddobaadkan ciyaari lahaayeen Tottenham iyo Aston Villa, sababtoo ah Villa Park ayaa uu ka dillaacay Korona Fayrasku iyadoo uu illaa toban ciyaartoy ku dhacay.

Horyaalka Scotland ayaa isagana uu gelelafay, waxaana uu wiiqay kooxda Celtic oo aan ciyaarin toddobaadkan iyadoo in ka badan toban ciyaartoy ay guryahooda ku jiraan iyagoo fayrasku hayo.

Kulamo ka tirsan tartanka Championship-ka ee heerka labaad ee Ingiriiska ayaa iyagana loo joojiyey fayraska oo ku dhacay ciyaartoyda kooxaha qaarkood.

Chelsea ayaa xidhay garoonkeeda tababarka ee da’yarta oo ay maanta ku amartay inay guryahooda joogaan, kaddib 20 kiis oo laga helay xeradaas.

Si kastaba, Premier League ayaa sii wadi doona baadhitaanka joogtada ah, waxaana dheer in koox walba ay si gaar ah ciyaaryahannadeeda iyo shaqaalaheeda ugu samaynayso baadhitaano joogto ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here