Duqa Muqdisho Cumar Filish oo la kulmay Safiirka Turkiga

0
236

JOWHAR (Radio Isnaay) Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa Maanta Safaarada turkiga kulan kula qaatay Safiirka Turkiga u fadhiya dalka Soomaaliya.

Cumar Maxamuud Maxamed guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa safiirka Turkiga ugu tacsiyadeyay muwadiniintii u dhashay dalka Turkiga ee ku naf waayay qarxii ka dhacay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Safiirka Turkiga ayaa sheegay in dowladiisu ay ka go’an tahay inay gacan ka geysato horumarinta dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimada dalka oo ah muraayadii wadanka.

Kulanka ayaa waxa duqa Muqdisho iyo safiirka Turkiga ee dalka Soomaaliya iskula soo qaadeen wada shaqeynta Labada dal Soomaaliya iyo Turkiga gaar ahaan mashaariicda ay dowlada Turkiga ka hirgelinayso dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here