Frank Lampard oo Digniin Culus u Diray Timo Werner iyo Kai Havertz.

0
167

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha Chelsea ee Frank Lampard ayaa digniin u diray labada weeraryahan ee u dhashay Germany ee Timo Werner iyo Kai Havertz kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartii ay kooxdiisu ku garaacday naadiga heerka saddexaad ee Morecambe, taas oo ay ugu soo gudbeen wareegga afraad ee FA Cup.

Lampard ayaa u sheegay labadan ciyaartoy ay u baahan yihiin waqti ay ku saldhigaan horyaalka Premier League, laakiin waxa uu dhinaca kale tibaaxay in aan loo muujin karin samir haddii aanay iyagu si adag u shaqaynin.

Labadan xiddig ayay Chelsea kasoo bixisay £130 milyan oo Gini iyadoo kala soo saxeexatay Bayern Leverkusen oo uu ka yimid Kai Havertz iyo Timo Werner oo ay kasoo qaadatay RB Leipzig.

Kai Havertz ayaa dhaliyey goolka afraad ee Chelsea kulankii ay 4-0 ku dubatay Morecambe, waxaanu noqday goolkiisii shanaad ee 22 ciyaarood oo uu u saftay Chelsea, waxaase uu raaciyey lix caawimood oo dhamaan tartamada ah.

Havertz ayaa isaguna kasoo baxay abaartii goolasha ka haysay, balse waxa uu hore usoo dhaliyey sagaal gool iyo lix caawimood oo uu ka sameeyey 25 ciyaarood oo uu saftay.

Lampard oo hadlayay ayaa yidhi: “Waxay ila tahay in heerka uu gaadhi karo Kai uu yahay mid aan xad lahayn, sababtoo ah waa ciyaartoy da’yar oo wax badan qaban kara. Laakiin waxa ku dhacay Korona, waanu soo laabtay, maanta waynu aragnay mar kale waxaanu u muuqday inuu taam yahay oo uu xooggan yahay.

“Waxa jira heerar uu Kai gaadhi karo, balse mar kale samir ayaanu u muujinaynaa, waa ciyaartoy hibo sare leh, laakiin waa inuu si adag u shaqeeyo.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu Lampard yidhi: “Waan ku faraxsanahay Timo sababtoo ah weeraryahannadu waxay doonayaan inay dhaliyaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here