Real Madrid Oo Iska Qasaarisay Fursad Ay Kula Wareegi Laheyd Hogaanka La Liga.

0
213

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Real Madrid ayaa iska qasaarisay fursad ay ku qaban kartay hogaanka horyaalka La Liga ka dib markii ay barbaro goolal la’aan ah kala kulantay kooxda Osasuna oo marti loo ahaa.

Real Madrid ayaa haatan ku jirta kaalinta labaad iyagoo haatan leh 37 dhibcood waxay hal dhibic ka hooseeyaan Atletico Madrid oo hogaanka heysa islamarkaana seddex kulan ay u harsan tahay marka loo eego Real Madrid.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay Los Blancos ku dhibaatootay in ay dhaafto daafac adag oo ay dhigteen kooxda Osasuna kulan lagu caajisay.

Real Madrid ayaa maamulaysay ciyaarta inta badan laakiin ku dhibaatootay in ay samayso fursado badan dhawrkii fursad ay sameeyeena ka faa’iidaysan waayay.

Qaybtii hore ee ciyaarta yaa ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah iyada oo kooxda Osasuna si fiican isaga caabisay wiilasha Zidane.

Real Madrid ayaa qaybtii dambe dhalisay gool uu Karim Benzema u dhaliyay laakiin waxa laga diiday Goolkaas sabab la xidhiidha Offside.

Ugu dambayn waxa bar-baro gool la’aan ah ku soo dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid mar kale dhibco ku lumisay kooxaha yar-yar ee horyaalka La Liga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here