Dowladda Indonesia oo Wado Dadaalo lagu Baadigoobayo Diyaaraddii lagu Waayay Waddanka Indonesia.

0
224

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxaa saacadba saacadda ka dambeysa sii kordheysa cabsida laga qabo in ay burburtay diyaarad ay saarnaayeen dad rakaab ah oo Sabtidii lagu waayay dalka Indonesia.

Diyaaraddan y leedahay shirkadda duullimaadya Sriwijaya Air ayaa sidday dad tiradoodu ka badantahay 62 qof.

Diyaaradda ayaa la sheegay in laga waayay raadaarka daqiiqado kaddib markii ay maanta ka duushay magaalada Jakarta ee caasimadda dalkaas.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay arkeen qarax ka dhacay hawada sare waxyar un kaddib markii ay diyaaraddu kacday.

Badmaax lagu magacaabo Solehen ayaa BBC-da u sheegay in uu arkay burburka diyaaradda kabtantankii doontiisana uu go’aansaday in uu dib ugu soo noqdo dhanka dekedda.

Waxa uu sheegay in diyaaraddu u qaraxday sida danab roobaadka oo kale firirkeedana uu sigay isaga iyo kooxdii la socotay doonida.

Dad deggen jasiiradda lagu la’yahay diyaaradda ayaa iyana sheegay in ay heleen waxyaabo ay u maleeyeen in uu yahay haraadiga burburka diyaaradda la la’yahay.

Wasaaradda gaadiidka Indonesia ayaa sheegtay in ay waddo dadaallo baabdigoob iyo badbaado isugu jira, iyada oo intaa ku dartay in ay cayimeen goobta baadigoobka lagu wajahayo iyaga oo adeegsanaya doomo iyo badmaaxiin xirfad wanaagsan leh.

Shirkadda Sriwijaya Air oo ah shirkadda iska leh diyaaradda la la’yahay ayaa dhidibbada loo taagay 2003-dii waana shirkadda kaalinta saddexaad kaga jirta dhanka duullimaadyada dalka Indonesia iyada oo bishii ilaa hal milyan oo qof u kala daabusha gudaha dalkaas, sidoo kale waxay duullimaadyo caalami ah ku tagtaa dalalka Shiinaha, Malaysia iyo Singabuur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here