Madaxweyne Farmaajo oo Soo Xiray Tartankii Kubadda Cagta Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

0
197

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Munaasabadda Xiritaanka Tartanka Kubadda Cagta ee Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa sheegay in tartankan uu kor u qaaday is-dhexgalka, walalnimada iyo midnimada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay ahmiyadda ciyaaruhu ay u leeyihiin nabadda, xasilloonidda iyo horumarka dalkeenna, waxa uuna tilmaamay sida ay muhiimka ugu yihiin la dagaallanka xagjirnimada iyo maandooriyaha, joojinta Tahriibka iyo qabyaaladda.

Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya : – Cusmaan Cabdalle Cusmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here