Karim Benzema Oo Loo Haysto Fadeexadda Cajaladdii Shirqoolka.

0
235

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema ayaa lasoo taagayaa maxkamad iyadoo loo haysto kiiskii fadeexadda ahaa ee cajaladdii laga duubay Mathieu Valbuena.

Kiiskan oo dhacay sannadkii 2015kii ayaa Benzema ka galaaftay inuu u ciyaaro xulka qaranka oo ay ugu dambaysay inuu u ciyaaro sannadkaas.

Benzema ayaa beeniyey inuu isagu wax lug ah ku lahaa dhacdadan, hase yeeshee waxa uu hore u qirtay in laba qof ay xidhiidh lasoo sameeyeen, una sheegeen inay hayaan cajalad ay ka duubeen Valbuena oo samaynaya galmo, waxaanay dalbadeen in la siiyo lacag si aanay u faafin.

Karim Benzema ayaa arrinta ku wargeliyey Valbuena oo ay saaxiibo dhow ahaayeen, waxaa se uu laacibkaasi xidhiidh la sameeyey booliska oo uu arrinta u sheegay, taas oo keentay in Benzema uu saldhigga booliska u hoydo hal habeen.

33 jirkan ayaa waxa uu hore booliska ugu eedeeyey in aanay daacad ka ahayn arrinta oo isagoo ka shaqaynayay inuu garab siiyo saaxiibkii haddana lagu qaadayo dembi aanu shaqo ku lahayn.

Xeer ilaalinta Faransiiska ayaa khamiistii maanta shaacisay in Benzema la horgeyn doono maxkamadda, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Qareenka Benzema ayay AFP ay xidhiidh la samaysay, waxaanu u sheegay inuu la yaabay sida ay ku dhacday in maxkamad la saaro Benzema oo aan wax dembi lahayn, go’aankanna yahay mid layaab ah.

Benzema ayaa wali ku doodaya in aanu wax dembi lahayn halka Valbuena oo isagana ay da’diisu tahay 36 jir uu tuhunsan yahay in saaxiibkii uu qayb ka yahay fadeexadda, isagoo ka shakisan in weeraryahanka Real Madrid uu la shaqaysanayo budhcadda cajaladda ka duubtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here