Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ku dhawaad mudo sanad ah ayey biyaha Fatahaadaha Wabiga shabelle kala Xireen isku socodka Waddooyinkii la soo marsiin laha Xoolaha Nool iyada oo lagu soo qaadi jiray ariga doomo balse hadda ay dib u furmeen Waddooyin badan lagana maarmay xoolahii doomha lagu keeni jiray Sida uu Radio Isnaay u Sheegay Muuse Aamin oo kamid ah Dullaalada Seylada Xoolaha Jowhar.
Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedineysa : – Maryama Shiikh Cabdi.