Kongareeska Mareykanka oo Ansaxiyay Guusha Joe Biden iyo Trump oo Aqbalay.

0
141

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kongareeska Mareykanka ayaa ansixiyay in Joe Biden iyo Kamala Harris ay kala yihiin madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka xiga ee dalka Mareykanka.

Natiijada doorashada ayaa waxaa ansixiyay labada aqal ee Aqalka Sare iyo Aqalka Wakiillada, kuwaasoo laalay diidmadii laga muujiyay codadka gobollada Pennsylvania iyo Arizona.

Kulankii caadiga ahaa ee Kongareeska ayaa la hakiyay shalay markii taageerayaasha Madaxweyne Trump ay ku xoomeen dhismaha Capitol. Kulanka ayaa la soo celiyay isla markaana sii socday kaddib markii la kala cayriyay dibadbaxayaasha.

Madaxweyne Trump ayaa haatan soo saaray warsaxaafadeed uu ku sheegayo inuu u hoggaansamayo xil wareejinta 20-ka Janaury, balse wuxuu ku celiyay sheegashada been abuurka ah ee in doorashada lagu shubtay.

“Inkastoo aan gebi ahaanba ka soo horjeedo natiijada doorashada, xaqiiqduna ay caddeyneyso, haddana xil wareejin ayaa dhici doonta 20-ka January,” ayuu ku yiri qoraal lagu soo daabacay akoonka barta afhayeenkiisa ee Twitter-ka. Twitter-ka ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay akoonka madaxweynaha.

In ka badan 60 kiisas ah oo ay gudbiyeen kooxd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here