Maamulka Gobolka Banaadir oo ka Digay in la Suurad Xumeeyo Billicda Caasimadda.

0
143

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa shacabka ku nool Magaalada Caasimadda ah uga digay inay wadooyinka muhiimka ah qashin farabadan ku shubaan.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye cumar Filish in mararka qaar dadka Muqdisho ay qashin farabadan ugu shubaan wadooyinka Bulshada dhan ay isticmaaleyso, taasina ay qeyb weyn ka qaadaneyso nadaafad darrada kajirta Caasimadda.

Guddoomiyaha oo hadal ka jeediyay munaasabad xariga looga jarayay dhismaha Bulaacad uu maamulka ka hirgaliyay inta isku xirta isgoyska Km4 ilaa dekadda Qalalan ayaa waxa uu Bulshada uga digay inay qeyb ka noqdaan nadafaad darrada Magaalada Muqdisho.

Hadalka Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli wadooyinka qaar ee Muqdisho ay ka jirto nadafaad darro baahsan, isla markaana meelaha qaar lagu arkayo qashin farabadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here