Sacuudiga iyo Xulufadiisa oo Heshiis la Saxiixday Dowladda Qatar.  

0
182

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay Qadar iyo afar waddan oo carbeed ayaa dib loo soo celiyay, kaasoo waddanka adar xayiraad saarayay muddo ka badan saddex sano ah, sida uu sheegay wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudi Carabiya.

Amiir Faysal Bin Farhad ayaa warfidiyeenka u sheegay in dalalku ay isku waafaqeen in ay dhinac iska dhigaan khilaafka u dhaxeeya kaddib markii ay isugu tageen shirka khaliijka maalintii Talaadada.

Inta aan go’aankaas lasoo saarin ka hor, Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa meel fagaare ah laabta ku galiyay amiirka Qadar, Tamin Bin Xamad Al-Thaani

Sacuudi Carabiya, Isu tagga Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Masar ayaa Qadar xiriirka u jaray sanadkii 2017-kii,

Qadar oo ah waddan yar oo hodan ku ah kheyraadka gaaska iyo saliidda ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay, wuxuuna ku gacan seyray shuruudo loogu xiray in laga qaado xayiraadda ay kusoo rogeen dalalka kale ee khaliijka.

Arrimaha laga dalbaday waxaa ka mid ahaa in albaabbada la isugu dhufto telefishinka Al-Jazeera ee uu fadhigiisu yahay magaalada caasimadda ah ee Dooxa.

Waxaa kale oo qadar laga dalbaday in ay cadaawad la sameysato dowladda Iiraan.

Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, dalalka Kuwait iyo Mareykanka ayaa waday dadaallo ay kusoo afjarayaan ismariwaaga ka dhaxeeyay waddamada carabta.

Shirkii Talaadada oo ka dhacay xarunta dhaqanka Sacuudiga ee al-Culaa, ayey hoggaamiyeyaasha lixda waddan ee Khaliijka ku saxiixdeen heshiis uu Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, ku qeexay mid adkeynaya xiriirka iyo xasiloodida dalalka carabta.

“Maanta waxaan aad ugu baahan nahay inaan mideyno dadaalladeenna, si wadajir ah u hormarinno gobolkeenna islamarkaana meel qura uga soo wada

jeedsanno caqabadaha nagu hareereysan, gaar ahaan khatarta nuclear-ka ee xukuumadda Iiraan iyo qorshayaasheeda gurracan,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Markii dambena, Amiir Faysal oo ah wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, ayaa shir jaraa’id ku yidhi: “Waxa maanta dhacay waa in baal cusub loo rogay dhammaan arrimihii naga dhaxeeyay dibna loo soo celiyay xiriirkii diblomaasiyadeed.”

Habeennimadii Isniinta ayey dowladda Sacuudiga oggolaatay in ay xuduudaheeda dhulka, badda iyo hawada u furto Qadar.

Qadar waxay muddo dheerba ku dhaqmeysay siyaasado ay ku hormarineysay xiriirkeeda arrimaha dibadda, iyadoo saaxiib la ahayd waddamo ay cadaawad kala dhaxeyso dalalka kale ee Khaliijka. Laakiin waxaa jiray labo arrimood oo waaweyn oo dalalka dariskeeda ah ka careysiinayay tobankii sano ee lasoo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here