Inka Badan 250 Haween ah oo Maanta u Fariistay Imtixaanka Mashruuca Marwo Caafimaad.

0
213

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle ayaa Maanta Magaalada Jowhar ka Daahfurtay Mashruuca Marwo Caafimaad oo laga Fulinayo Deegaanada Gobolkani Shabeellaha Dhexe taas oo looga Gol leeyahay in La Helo Hooyo Iyo Carruurteeda oo Caafimaad Qaba.

In kabadan 270 Hablo ah ayaa u Fariistay imtixaanka Mashruuca Marwo Caafimaad oo ay Soo agaasintay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada Hirshabeelle Kaas oo lagu Qabtay Magaalada Jowhar.

Munaasabadda Furitaanka Mashruucan Waxaa goobjoog ka ahaa gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan Isu duwaha Caafimaadka Gobolka iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle.

Hablaha imtixaanka u Fariistay Maanta ayaa ka kala Socda Degmooyinka gobolkani Shabeellaha Dhexe Waxaana ay Wasaaraddu Qaadandoontaa Shaqsiyaadka ay u Aragto in ay Buixin karaan Sharuudaha Sida uu Goobta ka Sheegay Dr Muxudiin Calasow oo ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here