Nijeria oo Dhawaan Heleysa Tallaalka Cudurka Corona Virus.

0
178

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Nayjeeriya ayaa dabayaaqada bishan sugaysa xirmooyinkii kowaad ee tallaalka COVID-19 taas oo qyb ka ah qorshe ay dowladdu ku tallaaleyso sanadkan 40% dadka dalkaas.

Xirmooyinka kowaad ee ay helayso Nayjeeriya oo gacan ka helayso barnaamijka hirgelinta tallaalka ee Covax ayaa ka kooban 100.000 oo ah tallaalka ay farsamaysay Pfizer-BioNTech vaccine.

Nayjeeriya ayaa sheegtay in marka ugu horreyso ay tallaali doonto shaqaalaha caafimaadka, hoggaamiyeyaasha dalka iyo dadka uu xanuunku heleelay ee waayeelka u badan. Tallaalkan ayayna dowladdu sheegtay in u uku filnaan doono 42 milyan oo ruux oo dalkaasi u dhalatay.

Nayjeeriya ayaa diiwaangelisay in ka badan 100.000 oo kiis.

Tirada dadka Nayjeeriya ayaa gaareysa 200 oo milyan oo qof waana dalka ugu dadka badan qaaradda Afrika.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka iyo Covax oo ayaa dejiyay qorshe buuxa oo dalalka saboolka ah looga gacan siinayo in ay helaan tallaalka Covid-19.

Koofur Afrika ayaa iyana dhawaan shaacisay in ay helayso tallaalka xanuunka.

Dalalka Afrika ayaa walwal ka qaba in ay heli waayaan saamigooda tallaalka maadaama dalalka hodanka ah ay dhaqaale badan ku bixinayaan sidii ay bulshooyinkooda u gaarsiin lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here