Tartanka Xisbiyada ee Kuraasta Aqalka Wakiilada Mareykanka oo Sii Kululaanaya.

0
165

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweyne Donald Trump iyo Madaxweynaha la doortay ee Joe Baiden ayaa si gooni gooni ah dadweynaha gobolka Georgia kula hadlay meel fagaare ah.

Labada masuul ayaa dadweynaha ka codsanayay in ay usoo baxaan doorashada maanta ee labada xisbi ay ugu jiraan labada kursi ee Aqlka odayaasha oo ah kuwa go’aamin doona xisbiga yeelanaya aqlabiyadda Aqalka Odayaasha ee dalkaas.

Trump oo ah Jamhuuri iyo Baiden oo ah Dimoqraadi ayaa mid waliba waxa uu sheegay in codeynta labada kursi ee Aqlka odayaasha ay noqon doonaan kuwo tusmo u noqda dalka Mareykan sanadaha soo socda.

In kabadan saddex milyan oo reer Georgia ah ayaa codadkooda dhiibtay taas oo u dhiganta 40% dadkii isu diiwaangeliyay doorashada gobolkaas.

Haddii ay labadaasi kursi ku guuleystaan xisbiga Dimoqraadiga ah waxa ay hantin doonaan kongareeska iyo Aqalka Cad intaba.

Aqalka odayaasha oo ka kooban boqol kursi ayay haatan 52 ka mid ahi ku fadhiyaan mudanayaal ka socda Xisbiga Jamhuuriga iyada oo haddii kuraasta Georgia ay ku guuleystaan Xisbiga Dimoqraadiga ah Aqalku noqon doono kuraasta labada xisbi kuwo isla eg, taasina ay marwo Kamala Harris u oggolaanayso in ay adeegsato codka kala saarista labada xisbi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here