Dugsiyada Waxbarasho ee Dalka Kenya oo  Maanta Dib Loo Bilaabay.

0
180

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dugsiyada waxbarashada dalka Kenya ayaa maanta dib albaabada loogu furay kaddib muddo sagaal bilood ah oo ay xirnaayeen sababo la xariira xayiraadaha xanuunka COVID-19.

Tirada iskuullada maanta furmay oo isugu jira hoose, dhexe iyo sare ayaa gaadheysa 23,000 oo dugsi.

Ardayda dhigata dugsiga hoose ayay tiradoodu gaadheysaa 12 milyan oo arday halka kuwa dhigta dugsiga sarena ay ka badan yihiin saddex milyan oo arday.

Qaar kamid ah ardayda maanta dib ugu laabatay fasallada waxbarashada ayaa xilliyada qaar wax ku baran jiray hannaanka online-ka ah oo ah hannaan aanay arday badani heli Karin.

Wasaaradda waxbarashada Kenya ayaa sheegtay in ay qorsheysay misaaniyad ka badan 60 milyan oo dollar oo ku baxaysa howlaha waxbarashada dugsiyada hoose, dhexe iyo saree ee dalkaas.

Dowladda ayaa sidoo kale ku baaqday in iskuulladu ay soo kordhiyaan fasallo cusub oo ardayda u suurageliya in ay ka nastaan cariirigii ay horay ugu jireen sidoo kalena waxaa la faray wasaaradda in iibiso miisas iyo kuraas cusub.

Iyada oo laga duulayo xaaladda COVID-19 ee dalka Kenya ayaa iskuullada lagu wargeliyay in ay hirgeliyaan goobo ay ardaydu ka heli karaan faraxal ka qeybqaata nadaafadda iyo keyd agabka nadaafadda iyo maryaha sanka lagu xirto ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here