Sacuudiga oo Dib U Fasaxay Duulimaadyadii Caalamiga ahaa.

0
149

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowladda Sacuudiga ayaa dib u fasaxday duullimaadyadii caalamiga ah ee dalkeeda tagi jiray sidoo kalena furtay soohdimaheeda badda iyo dhulka oo in ka badan todobaad u xirnaa sababo la xariira nooca cusub ee xanuunka COVID-19 oo dalkaas lagu arkay.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga ayaa lagu sheegay in la soo gabagabeeyay tallaabadii hakadka lagu geliyay isu socodka caalamiga ah ee Sacuudigu la leeyahay dunida inteeda kale si uu uga gaashaanto faafitaanka nooca cusub ee xanuunka Covid-19.

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in dadka aan u dhalanin boqortooyada ee ka imanaya dalalka Ingiriiska iyo Koofur Afrika laga doonayo in ay muddo 14 cisho ah ku soo hakadaan dal aanu xanuunka ka jirin kaddibna soo maraan baaritaan caafimaad oo caddeynaya in aysan qabin nooca cusub ee xanuunka COVID-19 si loogu oggolaado in ay soo galaan Sacuudiga.

Dadka ka imanaya dalalka qaar ee laga diiwaangeliyay kiisas aan badanayn ayaa iyagana guryahooda lagu karantiili doonaa muddo 7 maalmood ah iyada oo maalinta ugu dambeysana la marsiin doono baaritaan caafimaad.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa dabayaaqadii bishii Diseembar ee sanadkii tagay ku dhawaaqday in muddo todobaad ah ay dalkeeda gabi ahaanba ka joojisay duullimaadyada caalamiga ah sababo la xariira nooc ka mid ah feyraska Korona oo dalkaas lagu arkay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here