Kulanka Caawa ee Chelsea vs Man City: Xogta Kulanka iyo Shaxaha Labada Kooxood Ay Ku Soo Galayaan.

0
179

JOWHAR (Radio Isnaay) Labo ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Ingariiska ayaa kulan weyn ku furaya sannadka cusub ee 2021 maanta oo Axad ah iyadoo Chelsea ay Stamford Bridge ku soo dhaweyneyso Manchester City kulan si weyn loo wada sugayo.

Labada kooxood ayaa leh min 26 dhibcood ka hor kulankooda sannadka cusub, inkastoo kooxda Man City ay labo kulan u harsan tahay islamarkaana qaab ciyaareed fiican ku jirto marka loo eego Blues.

Kulankii ugu danbeeyay ee ay Chelsea ciyaartay sannadkii tagay ee 2020 waxay barbaro 1-1 kala kulmeen kooxda Aston Villa, halka Man City oo Korona Fayras uu sameeyay ay kulankoodii ugu danbeeyay aheyd 26kii December markaasoo ay guul raaxo leh ka gaareen Newcastle United.

SAFAFKA MACQUULKA AH:

Chelsea: Mendy; Azpilicueta, Zouma, Silva, Chilwell; Kante, Kovacic, Mount; Pulisic, Abraham, Werner

Manchester City: Steffen; Cancelo, Dias, Stones, Mendy; Rodri, Gundogan; Mahrez, De Bruyne, Sterling; Aguero

Kulanka: Chelsea vs Man City

Garoonka: Stamford Bridge 

Waqtiga: 7:30pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Anthony Taylor 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here