Man United Oo Soo Qabatay Liverpool Ka Dib Markii Ay Old Trafford Ku Dishay Aston Villa

0
223

Manchester United ayaa soo qabatay kooxda hogaanka heysa ee Liverpool ka dib markii ay 2-1 ku qaarjiyeen kooxda Aston Villa oo marti ku aheyd garoonka Old Trafford.

United ayaa 33 dhibcood la wadaagta kooxda kaalinta koowaad ee Liverpool kuwaasoo farqiga goolasha hogaanka kaga hayay Red Devils ka dib markii goolal ay kala dhaliyeen Martial iyo Fernandes ay ku dileen Aston Villa.

United ayaa haatan ah koox si rasmi ah ugu tartameysa hanashada horyaalka iyagoo soo qabtay kooxda difaacaneysa koobka ee Liverpool.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si xamaasad leh iyadoo Manchester United ay waqti horeba isku dayaysay inay hogaanka u qabato ciyaarta. Waxay taasi ku guuleysteen daqiiqadii 40aad ee ciyaarta markii karoos uu garabka midig ka soo dhigay Wan-Bissaka uu dhameystiray Anthony Marial.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala maray gool iyo waxba oo ay Man United hogaanka ku heysay. Laakiin qeybtii labaad waxaa si carcar leh ku soo gashay garoonka Aston Villa iyadoo David de Gea uu badbaadiyay fursado goolal loo fishay.

Daqiiqadii 58aad ayayna Aston Villa heshay goolkii barbaraha ee ay u dagaalameysay markii Jack Grealish uu kubad qurux badan ka soo shaqeeyay una dhigay Traore oo dhaliyay goolkiisii seddexaad ee Premier League xilli ciyaareedkan.

Afar daqiiqo ka dib United ayaa hogaanka ku soo laabtay markii Pual Pogba uu rigoore ka qalqaaliyay xiddiga Aston Villa Luiz, waxaa rigoorada u soo istaagay Bruno Fernandes oo gool u sarifay.

united waxaa ka dib soo maray fursado kale oo badan oo ay ku sii dheereysan kareen hogaanka ciyaarta, Martial iyo Shaw ayaa u helay fursado qaali ah halka goolhayaha Aston Villa Martinez uu kubad cajiib aheyd ka badbaadiyay Fernandes isagoo birta sii garaacay.

Martinez ayaa sidoo kale fursad dahabi aheyd ka badbaadiyay Marcus Rashford isagoo United u diiday inay sii dheereystaan hogaanka ciyaarta.

Weerarka United ayaa ahaa mid isdaba joog ah iyagoo baadigoob xoogan ugu jiray goolka seddexaad si ay ciyaarta hurdo ugu diraan, halka Villa iyagaba ay heleen fursado waqtigii dhimashada ah balse uu ka beeniyay De Gea laakiin waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku xaqiijisatay United oo hogaanka la qabatay Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here