Gambaleel 77 sannadood ka hor la dhacay oo dib loo soo celinayo

0
149

JOWHAR (Radio Isnaay) Waxaa laga xaday dalka Poland oo haatan dib loogu soo celinayo. Gambaleelka raadintiisa ayaa waxay Poland bilowday laba sannadood ka hor.

Wadaadada Slawiecice ee koonfurta Poland wax rajo ah kama aysan qabin in ay helayaan gambaleelka oo ay lahayd kaniisaddooda sababtoo ah Jarmalka ayaa sharaxay in Nasiyiintu ay dhalaaliyeen 80,000 oo gambaleel si ay hub ama rasaas uga sameystaan.

Sida laga soo xigtay wadaadka gambaleelka oo misaankiisu gaaraya 400kg ayaa markii hore laga arkay buug ay ku diwaan gashan yihiin gambaleellada. Muddo tobaan sannadood ah ayaa la la’aa gambaleelkan iyo laba kale.

Dagaalkii Labaad ee Adduunka, qaar ka mid ah gamballeelada la dhacay ee aan la dhalaalinin ayaa la soo celiyay balse 1,300 oo gambaleel oo laga xaday bariga Yurub sida Poland ayaa markii hore la dhigay goob lagu keydiyo gambaleelada oo ku taalla magaalada Hamburg, waxaana sawiradooda la dhigay keyd ku yaalla Nuremberg.

Wadaadka ayaa sheegay in maamullada milatariga Britain ayaa gaashaanka u daruureen dib usoo celinta gambaleelda laga dhacay bariga Yurub taa badalkeedana waxay amaah ahaan u siiyeen xarumaha diimaha ee galbeedka Yurub.

Gambaleelka ayaanan haatan la geyn doonin halkii laga lahaa sababo la xiriira fayraska corona.

Marka ugu dambeyn la keeno kaniisadda St Catherine, halkaasi ayay si toos ah u taali doontaa abid, balse weli dowladda jarmalka ayaa ii lahaan doonta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here