Madaxweynaha Hirshabeelle oo Daah furay Shirka Dib u Heshiisiinta Beelo Wada Dega Degmada Cadale.

0
163

Jowhar – (Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Husein ayaa maanta Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle ka daahfuray Shirka Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta Beelo Walaalo ah oo colaadi ku dhexmartay deegaanka burdheere ee Degmada Cadale.

Shirkaan Nabadeynta waxaa ka soo qeybgalay Xubnaha labada gole ee Dowladda, Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Drexe, Gudoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Somaliyed, Nabaddoonada, Culimada, iyo Aqoonyahanada Beelaha Walaalaha ah ee Colaada dhextaalay muddo fog.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday waxgaradka iyo Aqoonyahanada beelahaan inay ka dhabeeyaan nabadeynta iyo soo afjarida colaadan dabadheeraatay oo galaafatay nolosha dad badan.

Madaxwaynaha ayaa goobta ka sheegay muhiimadda uu shirkaan u leeyahay awgeed uu uga baaqday casuumaad uu ku tagi lahaa garowe isagoo sheegay inuu ka doorbiday Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta Beelaha Walaalaha ah ee wada dega Degamada Cadale.

Shirka oo maanta furmay ayaa socon doona ilaa laga gaarayo xalwaara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here