Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta kulankii 12-aad ee kal-fadhiga 1-aad ku yeeshay Magaalada Jowhar ee Caasimada Hirshabeelle kaasi oo uu shir Guddoomiyey Guddoomyaha Baarlamaanka Cabdi Xakiin Luqmaan.
Ajendaha kulankaan ayaa Waxa uu ahaa ansixinta Miisaaniyadda Maamulka Hirshabeelle ee sanadka soo socda ee 2021, taasi oo Cod Gacan Taag ah ku ansixiyeen Xildhibaanada.
Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya : – Cabdi wali Axmed Hilowle.