Kulankii Xalay dhexmari lahaa Kooxaha Everton iyo Manchester City ee horyaalka Premier League oo la baajiyey.

0
234

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxaa la shaaciyey in kulankii dhexmari lahaa caawa kooxaha Manchester City iyo Everton ee horyaalka Premier League ka baajiyey, kaddib markii dhowr ciyaaryahan oo kooxda Man City ah laga helay Faafaha Korona Fayras.

Manchester City ayaa xaqiijiyey in kulankan oo ka qabsoomi lahaa garoonka Goodison Park uu baaqday kaddib markii dhowr ciyaaryahan oo kooxdeeda ah laga helay Korona Fayras.

Horay waxaa loo shaaciyey in caabuqaan laga helay xiddigaha Man City ee  Kyle Walker iyo Gabriel Jesus ka hor kulanka Man City ay la ciyaartay Kooxda Newcastle United.

Yeelkeede, waxaa la rumeysan yahay in tiro intaas ka badan oo ciyaartoyda kooxda Man City inuu ku dhacay Korona Fayras, taasoo keentay in caawa la baajiyo kulankii ay la lahaayeen Everton ee Premier League.

Illaa iyo hadda lama shaacin tirada rasmiga ah ee xiddigaha ka tirsan kooxda Manchester City ee laga helay Korona Fayras, laakiin waxaa la sheegayaa inay si weyn u kordheen xiddigahaas taasoo keentay in kulanka la baajiyo.

Dib ayaa laga shaacin doonaa kulankan xilliga la ciyaari doono laakiin caawa waa la baajiyey kulankii u dhexeeyey kooxaha Manchester City iyo Everton.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here