Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed oo goordhow gaaray Garowe

0
131

JOWHAR (Radio Isnaay) Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa goor dhow gaaray magaalada Garowe.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahidi Guuleed iyo wafdigiisa.

Mahdi Guleed ayaa Garoowe uga qeyb galaya Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage oo markii ugu horreeysay lagu qabanayo Soomaaliya, waxaana shirkaas ka baaqday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo lagu casuumay.

Waxaa sidoo kale Garoowe gaaray qaar ka mid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo masuuliyiin kale oo badan.

Waxaa la filayaa inay gaaraan magaalada Garowe saacadaha soo socda wufuud kale oo qeyb galaya shirka oo looga hadli doono Xasilinta Dalka amni ahaan, Dhameystirka Dastuurka, Qabashada Doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here