Xiddigii Qarniga 21aad, Kooxdii Qarniga, iyo Abaal-marinnadii Kale Ee La Bixiyey Xalay.

0
143

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wargeyska Goble Soccer ayaa shaaciyey abaal-marinnada sannadka 2020 iyo kuwii qarniga 21aad oo uu guddoonsiiyey ciyaartooyo, tababareyaal, kooxo iyo shaqsiyaad kale oo wacdaro ka dhigay garoomada.

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa la guddoonsiiyey abaal-marinta ciyaartoygii ugu wanaagsanaa qarniga 21aad, taas oo lagu siiyey xaflad-qurux badan oo ka dhacay fooqa darruuraha dhaafay ee Burj Khalif ee magaalada Dubai.

Cristiano Ronaldo ayaa loo aqoonsaday xiddigii ugu wanaagsanaa garoomada qarniga 21aad oo kasoo bilowday sannadkii 2001, taas oo uu ku garaacay Lionel Messi oo ah ciyaartoyga ay kusoo xafiiltamayeen garoomada, hase yeeshee Globe Soccer Awards ayaa Ronaldo loogu doortay inuu ahaa laacibka ugu fiicnaa 20kii sannadood ee ugu dambeeyey.

Weeraryahanka Juventus iyo xulka qaranka Portugal ayaa 15 koob oo waaweyn kula soo guuleystay kooxaha Manchester United, Real Madrid iyo Juventus, waxaana uu noqday laacibka abaal-marinnada ugu badan ee Globe Soccer ku guuleystay tobankii sannadood ee ugu dambeeyey, isagoo lix jeer loo doortay xiddiga sannadka tan iyo 2011.

Gool-dhaliyaha Bayern Munich ee Robert Lewandowski oo xili ciyaareedkii hore dhaliyey 55 gool 47 ciyaarood oo uu saftay ayaa isagana loo doortay xiddigii ugu wanaagsanaa sannadka.

Laacibkan oo Bayern Munich kula guuleystay Champions League, Bundesliga iyo dhamaan tartamadii kale ee ay ka qayb-galeen sannadkan ayaa waxa uu hore usoo qaatay abaal-marinta xiddiga sannadka ee Fifa The Best.

Tababaraha reer Spain ee Pep Guardiola ayaa isagana loo doortay tababarihii ugu wanaagsanaa qarniga 21aad, taas oo ka dhigan inuu ka fiican yahay Jose Mourinho iyo macallimiintii kale ee soo baxay qarnigan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here