Lamaane Muddo 6- Sano ah Carruurtii ay Sugayeen lagu Hor Gubay.

0
219

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maxamed Faahim & Marwadiisa Faaduma Shafna waxa ay muddo 6-sano oo ay is qabaan sugayeen carruurta ay isku dhalaan, rajadooda wanaagsan ayaa hirgashay 18-kii November 2020 kadib markii alle uu siiyay Wiil.

7-dii December 2020, xili saq dhexe ah waxaa kusoo booday wiilkooda xannuun oo waxaa uu awoodi waayay neefsashada Dabiiciga ah, kadib markii ay geeyeen Isbitaal ku yaalla Dalka Sri Lanka waxaa lagu wargeliyay in wiilkooda yar Shaykh uu ku dhacay Xannuunka Covid-19!

Sida uu dhigayo xeerka dalkaas dhaqaatiirtu way ka reebeen wiilkooda si looga daweeyo daweeyo cudurka ku dhacay oo ah mid faafa ama Bulshada isaga kala gudba sida ay warbaahinta u sheegeen lamahaanaan.

Si gaar ah waxaa la jiifiyay isbitlaaka Carruurta ee Lady Ridgeway oo ah kan ugu wanaagsan Caasimadda Colombo, maadaama daryeel uu u baahan yahay wiilkaan ay iska dhaleen Aabaha & Hooyada Muslimka ah.

Intaas kadib waxaa la baaray Aabaha & Hooyada Wiilkaan yar balse waa laga waayay xannuunka Covid-19, maalin kadib waxaa lagu wargeliyay in uu dhintay wiilkooda yar ee la dhigay isbitaalka gaarka ah.

Sida uu dhigayo Xeer ay dejisay Dowladda Sri Lank waxaa la gubayaa Maydka bukaanka u dhintay Covid-19, Maxamed Faahim waxa uu maamulka isbitaalka ka dalbaday in uu saxiixo si fasax loogu helo gubista wiilkiisa.

Faahim wuu diiday in uu saxiixo, maadaama Diinta Islaamka aysan ogoleen in qofka la gubo, looma baajin in la gubo wiilka jira 20-ka cisho, Dowladda ayaa ku dhaqaaqday in ay dab-qabadsiiso.

Dibadbaxyo ay dhigeen Muslimiinta Sri Lank waxa ay ku dalbadeen in la joojiyo gubista Maydka, maadaama Diinta islaamka ay reebtay in la gubo qofka, inkasta oo aysan ka jawaabin Dowladda dalabkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here