Shiinaha oo 2030 kahor Noqonaya Waddanka ugu Hodansan Dunida.

0
216

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xarun cilmi-baadhiseed oo magac leh ayaa sheegtay in Shiinuhu yeelan doono dhaqaalaha ugu weyn dunida marka la gaadho sannadka 2028, oo uu sidaana ku dhaafi doono Marayknka muddo shan sannadood ah ka hor intii markii hore la saadaalinayey.

Xaruntaas oo magaceeda loo soo gaabiyo CEBR xarunteeduna tahay Ingiriiska, ayaa sheegtay in safmarka korona iyo saamayntiisii dhaqaale ba u noqdeen Shiinaha sareedo lama filaan ah, waxaanay xaruntu intaa ku dartay in sidii xariifnimada lahayd ee Beijing u maaraysay saf marku ay ka dhigayso in Shiinuhu noqdo dalka wadamada dhaqaalahoodu buuran yahay ugu horeeya ee sannadka dambe uu kobci doono dhaqaalihiisu.

Warbixinta sannad laha ah ee xarunta oo Sabtidii la soo saaray ayaa lagu sheegay in “wakhtiyada qaar arinta ka taagnayd dhaqaalaha dunidu ahayd loolanka dhaqaale iyo kartida beer laxawsiga ee u dhexeeyey Maraykanka iyo Shiinaha.

Laakiin saf marka Covid-19 iyo saamayntiisii dhaqaale ay miisaanka u loodiyeen dhanka Shiinaha.”

Waxaana hore loo odorosay in dhaqaalaha Shiinuhu celcelis ahaan kori doono 5.7% inta u dhaaysa sannadaha 2021 ilaa 2025, marka dambena hoos ugu dhici doono 4.5% sannadkii inta u dhaxaysa 2026 ilaa 2030.

Walow sidoo kale loo badaninayey in Maraykanka dhaqaalihiisu aad u kobci doono sannadka 2021 laakiin waxa haatan la odorosayaa in kobacaa la filayey hoos ugu dhici doono 1.9% sannadkiiba inta u dhaxaysa 2022 ilaa2024 ka dibna uu hoos ugu sii dhici doono 1.6% wixii intaa ka dambeeya.

Xaruntu waxa ay sidoo kale sheegtay in dhaqaalaha Yurub 19% ka noqday dhaqaalaha 10 dal ee dunida ugu weyn sannadkii 2020, laakiin uu hoos ugu dhici doono 12% marka la gaadho sannadka 2035 ama intaa in ka sii yar hadii Ingiriiska iyo Midowga Yurub aad u kala fogaadaan.

Xaruntaa daraasaadka ee CEBR waxa kale oo ay sheegtay in ay aad suurto gal u tahay in saamaynta saf markani ku yeeshay dhaqaalaha dunidu uu noqon doono sicir barar ee aanu ku koobnaan doonin oo keliya hoos u dhac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here