Dowladda Bangladesh oo Ganaaxday Qoys Farahooda uu Qaadi Waayay Iskaanka

0
144

.Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Apu Sarker ayaa waxa uu muuqaal uu igula hadlayay ku muujinayaa calaacashiisa xilli uu ku sugnaa gurigiisa ku yaal waddanka Bangladesh. Marka hore ee aan eegay calaacasha waxba iigama muuqanayaan, hasayeeshe markaan si dhaw u eegay waxaa iisoo baxday in calaacashisa iyo farahiisa ay wax ka maqan yihiin.

Apu, oo ah 22-jir, ayaa isaga iyo qoyskiisa waxa ay ku nool yihiin tuulo ku taal degmada waqooyi ee Natore. Illaa goordhaweyd waxa uu ku shaqaynayay kaaliye caafimaad. Aabihii iyo awoowgii ayaa waxa ay ahaayeen beeralay.

Ragga qoyska Apu ayaa waxa ay u muuqanayaan inay wadaagaan hidda-side dhif iyo naadir ah kaas oo saameeyay qeyb yar oo ka mid ah qoysaska caalamka; waa in aanan farahooda la qaadi karayn.

Waagii uu noolaa Apu awoowihii ee aanan dadka laga qaadi jirin faraha, arrintan wax wayn ma aanay ahayn. “Ma filaayo inuu weligii ka fikaray inay dhibaato noocaas ah qabsanayso,” ayuu yiri Apu.

Hasayeeshee tobannaankii sanadood ee ugu dambeeyay waxaa dadka dunidan ku nool laga qaadaa faraha iyadoo xogtooda sidaas lagu kaydiyo. Waxaan sidaas ugu adeegsannaa wax walba oo ay ka mid tahay inaan garoommada diyaaradaha kaga gudubno, inaan ku codaynno iyo weliba inaan taleefannada casriga ah ku furunno.

2008-dii markii uu weli Apu wiilka ahaa, ayey Bangladesh waxa ay bilowday inay dadka waa wayn siiso kaararka aqoonsiga ee qaranka, xogta la aruurinayayna waxaa ka mid aheyd in qofka faraha laga qaado. Shaqaalihii kaararka aqoonsiga bixinayay ma aanay garanayn sida kaar ay ugu goyn karaan Apu aabihii, Amal Sarker. Ugudambaynse, waxa uu helay kaar aanay “farahiisa” ku sawirnayn.

2010-kii, waa qasab noqotay in dadka faraha laga qaado marka la siinayo baasaboorka iyo laysanka lagu wado gawaarida. Dhowr goor markii isku dayayna, Amal waxaa u suuragashay inuu helo baasaboor kaddib markii uu soo bandhigay warqad caafimaad oo ay soo siiyeen guddi caafimaad. Waligiis-se ma uusan

isticmaalin sababaha waxaa qeyb ka ahn inuu ka cabsanayo in dhibaato uu kala kulmo garoommada diyaardaha.

Waxa uu kaxaystaa mooto uu ku qabsado howlihiisa beerta, laysan gaari lagu wadase weligii ma helin. “Lacagtii ayaan bixiyay, imtixaankiina waan ku baasay, hasayeeshee laysan ima aanay siin maadaama farahayga aanan la qaadi karayn,” ayuu yiri.

Amal waxa uu markastaa qaataa warqadda uu ku bixiyay qarashka laysanka balse markasta oo la istaajiyo warqaddaas ma anfacdo – laba jeer ayaa la ganaaxay.

Xaaladdayda ayaan u sharraxay askarta i qabatay ee wareersaneyd, ayuu yiri, waxa aanan tusiyay farahayga aanan la qaadi karayn. Hasayeeshee cidna ganaaxaas igama aanay cafin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here