Arsenal vs Chelsea – Arteta Oo Halis Ku Jira, Blues Oo Kaalmaha Sare Gelaysa, Xogta Kulanka Iyo Wararkii U Dambeeyey

0
198

JOWHAR (Radio Isnaay) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa rajaynaysa inay jidka guusha kusoo laabato kaddib siddeed ciyaarood oo xidhiidh ah oo aanay wax guul ah arag, waxaanay maanta garoonkeeda Etihad Stadium kusoo dhoweynaysaa Chelsea oo iyaduna u ordaysa inay sare ugu ruqaansato kaalmaha hore oo ay saddexda ugu sarreeya ka mid noqoto.

Gunners waxa ciyaartan dhaawac kaga maqan laacibka reer Brazil ee Gabriel Martinelli, laakiin Mikel Arteta ayaa muujinaya rajo ah in aanu laacibkani halis noqon doonin dhaawacii kasoo gaadhay kulankii Manchester City ay Salaasadii ku karbaashtay 4-1, isla markaana ay kaga reebtay tartanka Carabo Cup

Arsenal oo uu ka dhaawacan yahay weeraryahankeeda Pierre-Emerick Aubameyang oo uu shaki ku jiro inuu taam u noqonayo ciyaartan, waxa haddii uu Martinelli maqnaado ay uga dhigan tahay in afka hore uu burbursan yahay, isla markaana uu kaliya u kala xulan doono Arteta saddexda laacib ee Nicolas Pepe, Eddie Nketiah iyo Alexandre Lacazette.

Granit Xhaka ayaa soo dhamaystay ganaax saddex ciyaarood ah, waxaanu kusoo laaban doonaa khadka dhexe ee kooxdiisa, balse Dani Ceballos iyo Mohamed Elneney ayaa kulankii saddexaad ku maqnaanaya ganaax.

Khadka difaaca, Rob Holding iyo Kieran Tierney ayaa kusoo wada bilaaban doono kaddib nasasho ay heleen ciyaartii Man City, waxaana dhinacooda joogaya Gabriel Magalhaes iyo Bellerin, haddii aanu ka door-bidin Maitland-Niles.

Dhinaca Chelsea, waxa ciyaartan dhaawac uga maqan Hakim Ziyech oo aan wali kasoo kabanin dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Leeds United ee horraantii bishan.

Callum Hudson-Odoi oo isaguna dhaawac ahaa ayaa kusoo noqday kooxdiisa Isniintii kulankii ay la ciyaareen West Ham, laakiin Ziyech ayaa isaguna tababarka bilaabay, balse Lampard ayaa xaqiijiyey in aanay khatar gelin doonin.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Arsenal vs Chelsea

Tatanka: Premier League

Waqtiga: 8:30pm

Garoonka: Emirates Stadium.

Rikoodhka kulamadii hore ee labada kooxood

Arsenal ayaa ka badan dhinaca guulaha kulamadii ay labada kooxood ee reer London iska hor yimaaddeen. Gunners ayaa garaacday Blues 78 kulan, halka Chelsea ay 65 jeer ka guuleysatay Arsenal, waxaase ay labada kooxood barbarro galeen 58 ciyaarood, intaas ayaanay taariikhdooda iska hor yimaaddeen.

Kulankii ugu dambeeyey ee labada kooxood oo ahaa Final-kii FA Cup ee xili ciyaareedkii hore, Arsenal ayay guushu ku raacday 2-1 koobkana ku guuleysatay, sidoo kalena ciyaartoodii horyaalka ee Stamford Bridge ee garoonka Stamford Bridge ayay 2-2 ku wadaageen dhibcaha.

Bishii December ee sannadkii hore ayay Chelsea 2-1 ku garaacday Arsenal iyadoo saddexda dhibcood ba ka qaadatay, laakiin sannadihii ugu dambeeyey waxay labada kooxood ahaayeen kuwo aan natiijooyin waaweyn kala helin.

Lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada ee ay Arsenal iyo Chelsea ku kulmaan, waxay afar ka mid ah ku dhamaysteen barbarro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here