Thomas Tuchel macallinkii Kooxda Paris Saint-Germain oo Shaqada laga Cayriyay.

0
141

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Thomas Tuchel ayaa laga cayriyey shaqada Tababarennimo ee Kooxda Paris Saint-Germain, sida ay warinayaan warbixinnada laga helayo dalka Jarmalka.

Go’aanka lagu cayriyey tababaraha Jarmalka ayaa imaanaya maalin kaddib markii kooxda heysata horyaalka Faransiiska ay afar gool kaga adkaatay kooxda Racing Strasbourg, taasoo u ka dhigtay inay ku soo dhawaadeen farqiga u dhexeeya iyaga iyo hogagamiyeyaaasha horyaalka Ligue 1 ee Lyon.

Sida uu warinayo Wargeyska Bild ee ka soo baxa Jarmalka, kooxda PSG ayaa ka fariisisay 47-sano jirkaan shaqadiisii macallinimo maanta oo Khamiis ah, kaliya afar bilood kaddib markii uu ku hoggaamiyay kooxda reer France final-ka Champions League.

Tababarihii hore ee Tottenham, Mauricio Pochettino ayaa haatan ah shaqsiga ugu cadcad ee PSG ka bedelaya Tuchel, halka Massimiliano Allegri oo shaqo la’aan ahaa tan iyo markii uu ka tagay Juventus sanadkii hore sidoo kale uu kamid yahay macallimiinta safka hore ee shaqadan la la xiriirinayo.

Tababaraha France ee Didier Deschamps sidoo kale waa mid ka mid ah Tababareyaasha ugu cadcad ee ku guuleysan kara xilka Tuchel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here