Real Madrid oo garoonkeeda Alfredo Di Stefano saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Granada.

0
190

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Real Madrid ayaa garoonkeeda Alfredo Di Stefano saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Granada, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulamada horyaalka La Liga ee toddobaadkan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayay kooxaha Real Madrid iyo Granada ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 57-aad kooxda Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Casemiro, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Marco Asensio.

Daqiiqadii 90-aad kooxda Real Madrid ayaa dhalisay gool labaad, waxaana 2-0 ka dhigay Karim Benzema, iyadoo caawinta goolkan uu lahaa xiddiga reer Spain ee Isco.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-0 oo ay Real Madrid kaga adkaatay kooxda Granada oo marti ugu aheyd garoonka Alfredo Di Stefano, Los Blancos ayaa wali fadhisa booska labaad ee dhanka miiska kala sareeynta waxay 32 dhibcood wadaagaan Atletico Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here