Howlgalkii Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey ee Darfur oo la soo Gabagabeeyay.  

0
149

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyay go’aan lagu soo gabagabeynayo Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika iyo kan Qaramada Midoobay ee gobolka Darfur ee galbeedka Suudaan kaas oo loo yaqaanno “UNAMID”.

Howlgalka Nabad ilaalinta ayaa socday 13-kii sano ee u dambeysay.

Go’aanka golaha ayaa sheegaya in sharciyadda howlgalkaas ay ku egtahay dhamaadka bishan hase yeeshee ciidamada ayaa halkaas kaga bixi doona muddo 6 bilood ah oo ku siman 30-ka bisha June ee sanadka soo socda.

Qaraarka golaha ayaa xukuumadda Suudaan ku dhiirri-geliyay in ay si buuxda ula wareegto sugidda ammaanka dadka rayidka ah iyada oo dhaqangelinaysa xeerka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

Howlgalka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobay ee Suudaan ayay haatan ka joogaan halkaas ku dhawaad 4,000 oo askari, 1631 askari oo boolis ah, 483 shaqaale caalami ah iyo 945 shaqaale u dhashay deegaankaas.

2003-dii ayay ahayd markii ay dagaalladu ka qarxeen gobolka Darfur ee galbeedka Suudaan.

Dalalka reer galbeedka ayaa ciidamada dowladda ku eedeeyay in ay soo hubeysay jabhadda Janjawiid si ay ula dirirta kooaha fallaagada ah ee gobolkaas sidaasina ay ku billowdeen dagaallo ay ku geeriyoodeen dad lagu qiyaasay 300,000 oo qof halka 2.5 milyan oo kalena ay ku barakaceen.

Bishii Oktoobar ee sanadkan ayay ahayd markii xukuumadda kumeel-gaar ah ee Suudaan iyo qaar kamid ah dhaqdhaqaaqyada hubeysan ee gobolka Darfur ay qalinka ku wada duugeen heshiis nabadeed oo ka dhaca gobolkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here