Man City Oo Garoonka Emirates Ku Xasuuqday Kooxda Arsenal.

0
140

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester City ayaa iska xaadirisay semi-finalka Carabao Cup ka dib markii ay 4-1 ku xasuuqeen kooxda Arsenal oo marti loogu ahaa Emirates Stadium xilli shaqada tababare ee Mikel Arteta ay halis weyn ku jirto.

Goolal ay kala dhaliyeen Jesus, Mahrez, Foden iyo Laporte ayay City ku qaarjisay Arsenal oo goolka qura uu u saxiixay Lacazette.

Man City ayay ku qaadatay kaliya seddex daqiiqo inay hogaanka u qabato ciyaarta iyagoo Arsenal ku ciqaabay difaac xumadooda. Zinchenko ayaa helay boos iyo waqti banaan isagoo karoos ka soo dhigay garabka bidix waxaana madax ku dhaliyay Gabriel Jesus oo aysan jirin cid xiraneysay.

Gabriel Jesus ayaa dhaliyay goolkii ugu horeysay ee 609 daqiiqadood ee uu tartamada oo dhan u ciyaaray Manchester City tan iyo markii uu shabaqa ka soo taabtay Liverpool bishii November.

Arsenal ayaase ciyaarta ku soo laabatay daqiiqadii 31aad markii kubad uu ka soo shaqeeyay Martinelli u madax qurxoon ku dhaliyay Lacazette oo ciyaarta ka dhigay 1-1.

Natiijadaas ayaa lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta, laakiin qeybtii labaad maamulka ciyaarta waxaa la wareegtay Manchester City oo wado ka furatay goolka kooxda Gunners.

Daqiiqadii 55aad ayay Man City soo ceshatay hogaanka ciyaarta markii Riyad Mahrez uu laad xor ah shabaqa ku hubsaday iyadoo goolhaye Alex Runarsson uu awoodi waayay inuu badbaadiyo isagoo shabaqa iska sii geliyay kubada.

Afar daqiiqo ka dib ciyaarta waxay noqotay 3-1 markii kubad uu dhex bixis ah uu dhiibay Fernandinho uu dhameystiray Phil Foden.

Waxaa ciyaarta hurdo u diray daqiiqadii 73aad daafaca Aymeric Laporte. Arsenal ayaa isku dayday inay tabinta offside-ka ciyaarta laakiin safka daafacooda ayaa qaldanaa taasoo keentay in Laporte uu madax ku dhaliyo kubad uu soo dhigay Foden.

Ciyaarta ayaa ku soo dhgamaatay 4-1 oo ay Man City ku xaaqday Arsenal iyagoo u gudbay semi-finalka Carabao Cup halka Arsenal laga reebay tartanka.

Natiijadaan waxay halis sii gelineysaa shaqada tababare Mikel Arteta oo kooxdiisa ay waa hore ugu danbeysay inay guul u dabaaldegaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here