Wasaaradada Arrimaha Gudaha Dowladda Oo Shir kadaah Furtay Muqdisho

0
151

JOWHAR (Radio Isnaay) Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta ayaa maanta ku daahfurtay Magaalada Muqdisho Shirka Qorsha Sanadeedka 2021 ee Mashruuca Dowladaha Hoose ee JPLG-ga.

Shirka waxaa daahfuray Wasiiru Dowlaha Wasaaradada Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta XFS Aadan Cabdinaasir, wuxuuna sheegay in shirkaan uu socon doono laba maalmood, waxaana looga hadli doonaa waxyaabihii sandkaan u qabsoomay, kuwii u qabsoomi waayay iyo qorsheyaal kale.

“Shirkaan wuxuu soconayaa laba maalmood maalin Dowladda dhexdeeda ah iyo Maalin Dowladda, Hay’adaha bah-wadaagta Mashruuca JPLG-ga iyo Qaaraan Bixiyayaasha (Donors),
maanta oo aan Dowlad ahaan u wada hadlayno waa inaan ka wada hadalnaa maxaa inoo qabsoomay Sanandkaan, maxaan qabsoomin, maxay u qabsoomi waayeen iyo maxaa inoo qorshaysan, iyo sidoo kale caqabadaha jira, waxaana ku kalsoonahay inuu wax mira dhal ah kasoo baxo, Berrina aan si wadajir ah ula kulanno Hay’adaha iyo Qaaraan Bixiyayasha”. Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Wasaaradada Arrimaha Gudaha.

 

Shirka waxaa kaso qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, Wasiiro iyo Agaasimayaal Guud oo ka kala socday Dowlad Goboledyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoona ayaa lagu gorfayn doona Qorshaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here