Aktar Caan ah oo Istaaga Ka Dhacay isaga oo  Filim Duubis ku Jira.

0
149

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Jilaaga rugcaddaaga ah ee shirkadda filimada Bollywood-ka Hindiya, Mithun Chakraborty, ayaa raashin ku sumoobay xilli laga duubayay filim ku saabsan Kashmiir.

Jilkii filimka ayaa dib loo dhigay hal maalin maada atooraha uu sii wadi waayay duubista.

Arrintan ayaa timid kaddib markii sida ay wararku sheegayaan uu Mithum ku xanuunsaday cunto calooshiisa caabuq ku sameysay, taasoo horseedday in uu shaqadii duubista wadi waayo isagoo xitaa damacsanaa in uusan joojinin.

Vivek Agnihotri, oo hagayay filimka Mithun, soo saarena ka ah, ayaa sheegay in hadda dib loo billaabay duubista oo ka socota deegaanka Mussoorie.

“Waxaan duubeynay qeyb weyn oo aad muhiim uga ah filimka. Wax walba waxay ku xirnaayeen jilka uu qaabilsanaa Mithun Chakraborty, laakiin si lama filaan ah ayuu mar qura u xanuunsaday, isagoo ka cabanayay dhibaato dhinaca caloosha ah oo aad u xumeyd,” ayuu yidhi Vivek.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Ma jiro qof caadi ah oo shaqo kusii wadi kara xaaladdaas, laakiin wuu baxay muddo gaaban kaddibna wuxuu u soo laabtay si uu u dhammeystiro wax kasta oo looga baahnaa jilka. Markii hore xaaladdu aad bay u adkeyd, aad baan ula yaabay in qof sidaas u xanuunsaday uu howsha sii dhammeystiro, laakiin way noo suuragashay.”

“Taasi waa sababta uu Mithun ku noqday xiddigga uu maanta yahay. Wuxuu ii sheegay in waligiis uusan sidaasoo kale u xanuunsanin muddo sannado badan ah. Mar walba wuxuu i weydiinayay ‘

duubitaankiinna hakad ma gali doono sooma aha?’, runtii aad iyo aad baan ula fajacay arrintaas, sababtoo ah ma arkin qof kale oo jiilka maanta jooga ah oo sidaas ay shaqadiisa uga go’an tahay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here