Man United Oo Xasuuq Daran U Geysatay Kooxda Sida Weyn u Xifaaltamaan ee Leeds United.

0
147

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa soo gashay kaalinta 3aad ee Premier League iyadoo kulan uu u harsan yahay ka dib markii ay 6-2 ku xasuuqeen kooxda uu xafiitanka soo jireenka ah kala dhaxeeyay ee Leeds United oo marti ku aheyd Old Trafford.

Scott McTominay iyo Bruno Fernandes ayaa min labo gool dhaliyay halka Victor Lindelof iyo Danil James ay goolasha ka saxiixeen iyadoo United ay guul weyn oo taariikhi ah ka gaartay Leeds.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Man United ay soo gashay kaalinta 3aad iyagoo leh 26 dhibcood waxay shan dhibcood ka danbeeyaan kooxda kaalinta koowaad ee Liverpool, waxaana xusid mudan in Man United uu kulan u harsan yahay.

Ciyaartaan waxaa lagu kala baxay qeybtii hore markaasoo ay Manchester United sii xaqijisatay guusheeda, iyadoo seddex daqiiqo markii ay ciyaarta socotay ay Red Devils ku hogaamineysay labo gool iyo waxba.

Xiddiga khadka dhexe Scott McTominay ayaa rikoodh cusub u dhigay Premier League ka dib markii uu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee labo gool dhaliya seddexda daqiiqo ee ugu horeysay ciyaar. Ma Jiro ciyaaryahan sidaan hore u sameeyay taariikhda Premier League.

McTominay ayaa United hogaanka u dhiibay daqiiqadii koowaad markii uu darbo aad u macaan shabaqa ku aasay ka dib baas uu ka helay Bruno Fernandes. Goolkiisa labaad ayaa yimid daqiiqadii seddexaad intaan la gaarin isagoo koontaroolay baas uu ka helay Martial ka hor inta uusan kubada dhinac dhigin goolhayaha Leeds.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here