Nuuc Cusub oo Karoona Feyrus ah oo laga Helay Waddanka UK.

0
155

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waddamada reer galbeedka ayaa billaabay iney xayiraado cusub ku soo rogaan dalka UK si ay uga gaashaantaan nooca cusub ee fayraska korona ee dalkaasi laga helay.

Qaar ka mid ah waddamada reer Yurub waxay joojiyeen dhammaan duullimaadyadi Ingisriiska ka imanayey.

Nooc cusub ee fayraska korona ayaa si degdeg ah ugu faafay magaalada London iyo Koonfurta-Bari England

Ra’isal wasaaraha Britain Boris Johnson wuxuu sabtidi ku dhawaaqay xayiraado afar heer oo kala duwan maraya oo laga hirgelinayo goobaha nooca cusub ee fayraska korona laga helay, wuxuuna gabi ahaanba uu meesha ka saaray nasashadi iyo kulammadi ay malaayiinta qof ee u dabbaal degaya ciidda miilaadiga ay sameynayeen .

Khubarada sare ee caafimaadka waxay sheegeen inaan la hayn caddeymo muujinaya nooca fayraska korona ee cusub inuu yahay mid ay khatartiisu badan tahay, ama si ka duwan ula falgalayo tallaallada haatan socdo.

Balse waxay khubaradu sheegeen iney ogaadeen noocani cusub ee fayraska korona inuu yahay mid 70% la iisu gudbin karo.

Wasiirka Caafimaadka Matt Hancock wuxuu sheegay culeyskan cusub ee soo kordhay inuu yahay ‘mid faraha ka baxay’, waxaanna ka shaqeyneynaa sidi aan u xakameyn lahayan, isaga oo qirtay iney tahay dhibaata aad u weyn oo si cad u muujinaya sanadkan inuu yahay mid si xun ku dhammaaday.

Dalka Ingiriirska marka uu fayraskan cusub uu ku dhawaaqay sabtidii wixi ka dambeeyey, waddama reer Yurub qaarkood ayaa Nooc cusub oo fayraska korona oo laga helay Ingiriiska xayiraad ku soo rogay dhammaan rakaabka UK ka yimaadda ee diyaaradaha ku yimaadda.

Netherlad waxay xayirtay dhammaan rdadka ka soo socdala UK ku imanaya diyaaradaha ilaa iyo 1-da January iney dalkeeda soo gelin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here