Liverpool Oo Toddoba Gool o Jawaab la’aan ah Ku Xasuuqday Crystal Palace.

0
132

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Liverpool ayaa guul weyn oo toddoba gool oo jawaab la’aana kasoo gaadhay dhigeeda Crystal Palace ciyaar xiiso badan oo ka dhacday gegida Selhurst Park iyadoo ay inta badan xiddigaha Reds garoonka usoo galay gool ama caawin kala baxeen.

Roberto Firmino iyo Mohamed Salah oo min laba gool dhaliyay iyo goolal ka kala yimid Sadio Mane, Takumi Minamino iyo Jordan Henderson ayaa ka saaciday Reds inay 7-0 kusoo guuleystaan.

Shaxdii Kulankan Ee Labada Kooxood

LIVERPOOL: Alisson, Alexander-Arnold, Matip, Fabinho, Robertson, Keita, Henderson, Wijnaldum, Minamino, Firmino, Mane.

Keydka: Adrian, Kelleher, Salah, Oxlade-Chamberlain, Jones, Origi, R Williams, Phillips, N Williams.

CRYSTAL PALACE: Guaita, Clyne, Kouyate, Cahill, Van Aanholt, Schlupp, Milivojevic, McArthur, Eze, Ayew, Zaha.

Keydka: Butland, Ward, Tomkins, Dann, Townsend, McCarthy, Bashuyai, Mitchell, Riedewald

Fah-Faahinta Kulanka

GOOAL: Goolka furitaanka ee kulankan ayaan noqon mid soo raagay, Liverpool ayaa daqiiqadii 2-aad hoggaanka qabatay kaddib gool ay ka heshay Takumi Minamino, Sadio Mane ayaa kubad uu xerada ganaaxa ku dhex xakameeyay u dhiibay Minamino oo kubad joog hoose ah gees ka dhigay.

Crystal Palace ayaa isku day-day inay ka dagaalanto goolka hoggaanka looga qabtay, Jordan Ayew ayaa madaxeeyay kubad joog sarre ahayd oo ka timid kabtanka Palace balse waxa si sahlan ku qabsaday goolhaye Alisson.

GOOAL: Liverpool ayaa goolka labaad ee kulanka deg-deg u heshay, Sadio Mane ayaa baas uu ka helay Roberto Firmino deg-deg ula jeedsaday isagoo kubad xoogan ku laagay goolhaye Guaita oo uu si siman ugu toosnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here