Beeraleyda Degmada Mahadaay oo La Wareegay Agab Ayaxa looga Hortago.

0
140

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababarkan oo ay bixinayeen quburo katirsan Wasaradda Beeraha Maamulka Hirshabeelle  ayaa ku saabsana sida looga hortago Cayayaanada iyo isticmaalka Nuucyada Sumaha loo adeegsado beeraha waxana tababarkan loo qabtay Beeraleeyda Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ku Simaha wasiirka Wasaaradda beeraha iyo waraabka  hirshabeelle ahna wasiir ku xigeenka wasaaradda  Mudane Maxamed Bashiir Qaasim Daqare oo la hadlay Radio Isnaay ayaa sheegay iney wadaan Dadaalo lagu Xoojinayo sidii looga hortagi laha Cayayaanada soo laalaabta sida Ayaxa isago sheegay in Maamulka Degmada Mahadaay ay ku wareejiyeen Agabka Ayaxa looga hortago.

 

Warbixintan Waxaa Soo Jeedinaya : – Cabdicasiis Xasan Cabdulle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here