Lionel Messi Oo Soo Qabtay Boqorkii Kubadda Cagta Ee Pele

0
240

Jowhar – ( Radio Isnaay )  Lionel Messi ayaa ugu dambayntii soo qabtay rikoodhkii gool-dhalinta boqorka kubadda cagta ee Pele, kaddib markii uu gool madax ahaa ka dhaliyey Valencia, ciyaartii ay barbarraha 2-2 ku kala baxeen ee ka dhacay garoonka Camp Nou.

Xiddiga reer Argentina ayaa rikoodhe uu khasaariyey dib ugu celiyey madax, waxaana uu goolkiisaasi noqday midkii 643aad ee uu u dhaliyo Barcelona oo uu cimrigiisa ciyaareed oo dhan ku qaabtay.

Goolkan ayaa waxa uu Lionel Messi kusoo qabtay rikoodhkii goolasha halyeyga reer Brazil ee Pele uu u dhaliyey kooxdii uu waqtiga ugu badan ku qaatay ee Santos, taas oo uu u saxeexay 643 gool.

Pele ayaa hore u ahaa ciyaartoyga goolashii ugu badnaa u dhaliyey hal koox kaliya, waxaase rikoodhkaas barbarreeyey Lionel Messi oo kulamada soo socdana xidhan doona rikoodh isaga khaas ah oo aanay cidina uga horreynin.

Lionel Messi ayaa la filayay inuu waqti hore oo xili ciyaareedkan ah barbarreeyo rikoodhkan ka hor inta aanu ka tegin Barcelona oo uu hore u sheegay inuu ka ambobaxayo dhamaadka xili ciyaareedkan, isla markaana uu Bartomeu ka hor joogsaday go’aankii uu kaga tegi lahaa xagaagii hore.

Barcelona oo xili ciyaareedkan dhibaatoonaysa, isla markaana ay ciyaartoydeedu yihiin kuwo la’ sirtii guusha oo ay ka maqan yihiin afarta kooxood ee ugu sarreeya xilli 12 kulan la ciyaaray, waxay haddana Lionel Messi u tahay sannad uu taariikh weyn sameeyey oo uu soo qabtay Pele.

Kabtanka Barcelona ayaa isaguna ku jira ciyaartoyda dhibaatoonaya ee la’ sirta gool-dhalinta inkasta oo kulamadii ugu dambeeyey uu goolal dhalinayay.

Lionel Messi ayaa wixii ka dambeeya maanta, waxa goolasha uu dhaliyo ay noqon doonaan kuwo loogu aqoonsan doono xiddigii goolasha ugu badnaa u dhaliyey koox kaliya, halka uu Pele kaalinta labaad u degi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here