Muslimiinta iyo Yuhuudda oo ka mideysan diidmada go’aan maxkamaddeed

0
146

Jowhar – ( Radio Isnaay )Maxkamadda caddaaladda reer Yurub ayaa dowladda Belgium ku ayidday go’aan ay ku mamnuucday in Muslimiinta iyo Yuhuudda aysan gowrici karin xoolaha iyaga oo aan la suuxin.

Maxkamadda ayaa ku gacan seyrtay dalabka ururrada Muslimiinta iyo kuwa Yuhuudda ee ka soo horjeesaday arrintaasi.

Maxkamaddan ugu sarreysa Midowga Yurub ayaa taageertay go’aanka dowladda Belgium ee ahaa in loo baahan yahay in la suuxiyo xoolaha ka hor inta aan la gowricin si loo dhawro xuquuqdooda.

Madaxa golaha wadaadada Yuhuudda ayaa sheegay in go’aankaasi uu dhibaato ku yahay Yuhuudda ku nool guud ahaan qaaradda Yurub.

Balse dowladda gobollaka woqooyi ee dalka Belgium-ka ayaa soo dhaweysay go’aanka maxkamadda. Wasiirka xannaanada xoolaha Ben Weyts ayaa sheegay in arrintani ay tahay mid taariikhi ah.

Kooxda u dhaqdhaqaaqda xuquuqda xayawaanka ee Gaia ayaa iyana dhankeeda maalinta uu go’aankani maxkamadda soo baxay ku tilmaantay maali weyn oo la soo gabagabeeyay dedaal soo socday muddo 25 sano ah.

Go’aanka maxkamadda ayaa lid ku ah soo jeedin ahayd in la laalo xukunkii horey loogu mamnuucay in xoolaha la gowraco iyaga oo aan la suuxin maadaama sharciga xakameynaya arrintaasi ay tahay in la ixtiraamo oo kaliya haddii uusan ku xad gudbeyn diimaha dadka kale.

Muslimiinta iyo Yuhuudda ayaa gowraca xoolaha iyaga oo aan suuxin balse middida lagu gowracayo ayay aad u afeeyaan.

Sharciga UK iyo kan Midowga Yurub ayaa dhigaya in xoolaha la suuxiyo ka hor inta aan la gowricin, waa haddii hilibkaasi aanan loogu tala gelin Muslimiinta iyo Yuhuudda.

Maxkamaddani reer Yurub ayaa sheegtay in dhammaan waddammada xubnaha ka ah Midowga Yurub ay tahay inay ixtiraamaan xuquuqda xayawaanka iyo xorriyadda diimaha, maadaama shuruucda reer Yurub aysan diideyn in la suuxiyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here