Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka Degmada Warshiikh oo laga Bilaabayo Baarista Covid-19.

0
140

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka Degmada Warshiikh ee Gobolkani Shabeellaha Dhexe ayaa si ku meel gaar ah looga dhigay Xarun lagu baaro dadka looga shakiyo iney qabaan Cudurka Dillaaga ah ee Covid-19 iyado Xaruntan ay noqoneyso midkii labaad ee laga hirgiliyo Warshiikh.

Isku dubaha Caafimaadka ee Degmada Warshiikh ahna Agaasimaha guud ee isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Dr Zakariye Xasan Qeyre ayaa sheegay in sababta keentay Xilligan hirgalinta Xaruntan ay tahay in qaar ka mid ah dadka ku nool degmadaasi ay la soo xiriireen iyago isku arkay qaar ka mid ah Calaamadaha cudurka dillaaga ah ee Covid-19 mudo kadib.

Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya : – Cabdicasiis Xasan Cabdulle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here