Man United Oo Rikoodh Cusub Ka Dhigtay Premier League Dalka Ingariiska.

0
137

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa mar kale guul soo laabasho ah gaartay iyagoo 3-2 kaga badiyay kooxda Sheffield United oo marti loo ahaa xilli Red Devils looga hormaray hogaanka.

Labo gool uu dhaliyay Marcus Rashford iyo gool uu saxiixay Anthony Martial ayay Manchester United ku xaqiijisatay seddex dhibcood iyadoo loo diiwaangeliyay rikoodh cusub.

Manchester United waa kooxdii ugu horeysay ee lix kulan oo isku xigta guul soo laabasho ah gaartay horyaalka Premier League. Waxay caawa noqdeen Boqorada Soo Laabashada.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Man United ay soo gashay kaalinta lixaad iyagoo leh 23 dhibcood, waxay shan dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Liverpool iyadoo Red Devils uu kulan u harsan yahay.

Shan daqiiqo markii ay socotay ciyaarta ayaa Manchester United gool loo naxsaday, iyadoo Sheffield United ay hogaanka ku qabatay qalad uu sameeyay goolhayahoodii hore Henderson.

Lindelof iyo Maguire ayaa kubad baas ah la ciyaarayay goolhayaha, si kastaba Henderson ayaa kubada laga qaatay iyadoo Burke uu u dhigay McGoldrick oo shabaqa ku taabtay.

Dhamaadkii ciyaarta ayay Sheffield United hurdada ka kacday iyagoo gool soo ceshtay daqiiqadii 87aad markii koorno la soo tuuray uu madax ku dhaliyay McGoldrick iyadoo kubada ay ku sii dhacday Lindelof.

Waqtigii dhimashada ciyaarta ayay Sheffield United ku dhawaatay inay hesho goolka barbaraha iyadoo Mousset uu kubad halis ku tijaabiyay Henderson laakiin goolhayaha Man United ayaa u babac dhigay oo kooxdiisa guusha u xaqiijiyay.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-2 oo ay Manchester United ku garaacday Sheffield United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here