Liverpool Oo Si Rasmi ah U Qabatay Hogaanka Premier League Dalka Ingariiska.

0
168

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Gool uu waqtigii dhimashada ciyaarta dhaliyay Roberto Firmino ayay Liverpool ku garaacday Tottenham oo marti ku aheyd Anfield iyagoo dubtay 2-1 islamarkaana la wareegay hogaanka horyaalka Premier League.

Reds ayaa hogaanka ku hormartay ciyaartii caawa ka dib gool uu u saxiixay Mohamed Salah laakiin waxay Son Heung-min ayaa u barbareeyay Tottenham ka hor inta uusan Firmino gusha saxiixin daqiiqadii 90aad.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Liverpool ay si rasmi ah u la wareegtay hogaanka Premier League iyagoo leh 28 dhibcood halka Tottenham oo labaad ku jirta ay leedahay 25 dhibcood.

Liverpool ayaa sii dheereysatay rikoodhkeeda aan looga badinin garoonka Anfield horyaalka Premier League iyagoo sii maraya 66 kulan.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa heysatay kooxda martida loo ahaa ee Liverpool kuwaasoo hogaanka ku hormaray daqiiqadii 26aad markii Curtis Jones uu iska dhexmaray khadka dhexe ee Tottenham islamarkaana uu kubada u dhiibay Mohamed Salah kaasoo darbadiisa ay ku dhacday Alderweireld ka hor inta aysan shabaqa meel kore ka gelin.

Todobadii kulan ee ugu danbeysay ee Mohamed Salah uu ka horyimid Tottenham horyaalka Premier League wuxuu dhaliyay lix gool halka uu caawiye ka noqday goolka kale.

Reds ayaa fursado kale abuurtay iyagoo isku dayaya inay ciyaarta dilaan xilli hore laakiin Tottenham ayaa heshay gool lama filaan ah oo ay ciyaarta ku barbareysay daqiiqadii 33aad.

Lo Celso oo qalad ku lahaa goolkii Mohamed Salah ayaa iska soo qlaadkiisa iska soo guday markii uu kubad dhex bixis ah u dhiibay Son Heung-min kaasoo isna kubada la kor tagay goolhaye Alisson islamarkaana dhinac mariyay. Goolka ayaa loo shakiyay offside laakiin VAR ayaa xaqiijisay inuu ahaa gool sax ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here