Xogta Kulanka Caawa ee Liverpool vs. Tottenham Dhaawacyada Iyo Shaxaha Macquulka ah ee labada Kooxood.

0
134

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Horyaalka Premier League oo usbuucyadii ugu dambeeyey ay hoggaankiisa isku dhegsanaayeen Liverpool iyo Tottenham ayaa caawa lagu kala bixi doonaa, marka ay labadan naadi caawa ku kulmaan garoonka Anfield.

Liverpool ayaa rajaynaysa inay sii wadato guulaha ay garoonkeeda Anfield ku gaadhayso marka ay caawa kusoo dhoweyso Tottenham oo uu hormood u yahay tababare Jose Mourinho.

Labadan kooxood oo haysta min 25 dhibcood ayaa Axaddii ay mid waliba soo gashay barbarro 1-1 ah, waxaana cajiib ah in labadooduba ay kulamo isku mid ah soo guuleysteen, barbarro isku mid ahna soo galeen xili ciyaareedkan.

Jurgen Klopp iyo Jose Mourinho waxay kooxahoodu soo badiyeen min toddoba ciyaarood, min afar barbarro ahna way soo raacsadeen, halka min hal kulanna laga badiyey, taas oo keentay inay haystaan natiijooyin iksu mid ah.

Liverpool waxay labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey garoonka Anfield ku garaacday Leicester City iyo Wolves, waxaanay haystaan 31 guulood 32 ciyaarood oo ay ku dheeshay garoonkeeda, taas oo ka dhigan inay ku heshay 94 dhibcood 96 suurtogal ahaa, iyadoo ku dhalisay 93 gool 32kaas ciyaarood.

Barbarrihii ay Fulham la gashay, waxay Liverpool uga dhignayd inay lumisay 11 dhibcood xili ciyaareedkan, balse waxa iyaduna sidaas oo kale ah Tottenham.

Lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League, Liverpool waxay soo guuleysatay saddex ka mid ah, saddexda kalena barbarro ayay gashay, halka Tottenham ay afar guulood iyo laba barbarro ah gashay.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Liverpool vs Tottenham

Tartanka: Premier League

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here