Dhaawac Neymar oo ka Fududaaday Sidii Loo Maleynayay inuu yahay.

0
154

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr oo dhaawac looga saaray ciyaartii Lyon ee Axaddii isagoo ooyayana lagu qaaday naxash, ayaa waxa la sheegayaa in dhaawaciisu uu yahay mid aad uga fudud sidii la moodayayy.

Neymar ayaa garoonka laga dhex-qaaday kulankii ay Lyon ku garaacday PSG 1-0, taas oo keentay in Lille iyo Lyon ay hoggaanka horyaalka ku qabtaan min 29 dhibcood halka PSG ay kaalinta saddexaad ku jirto oo ay leedahay 28 dhibcood.

Kooxda reer France ayaa wadnaha farta ku haysay, iyadoo ka baqaysay inuu dhaawacani qaato waqti dheer, waxaase hadda soo baxaya in bisha January ba uu garoomada kusoo laaban doono oo uu diyaar u noqonayo lugta hore ee Champions League ee Barcelona ay ugu tegayaan Camp Nou 16-ka February.

Farriin uu ku daabacay bartiisa bulshada, ayaa uu Neymar ku sheegay sababtii uu la ooyey markii uu dhaawacu gaadhay, isagoo dhinaca kalena rajo geliyey naadigiisa.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram ayuu ku yidhi: “Oohintaydu waa xanuun, rajo xumo, cabsi, cidhiidhi, qalliin, jeex-jeex (halkii laga qalay) iyo xusuuso kale oo aad u xun.”

intaa kaddib, waxa uu Neymar tibaaxay in dhaawaciisu uu ka fudud yahay sidii uu moodayey, waxaanu yidhi: “Wuxuu noqon karayay dhaawac xun, laakiin Ilaahay ayaa mar kale mahadda iska leh oo iga badbaadiyey dhaawac halis ah.”

Qiimaynta hore ee PSG ay ku samaysay dhaawacan ayaa waxa meesha ka saaray inuu jiro wax jabniin ah, balse 48 saacadood kaddib ayay soo baxaysaa natiijada kama dambaysta ah ee baadhitaanku.

Dhinaca kale, warbaahinta Faransiiska ayaa ogaatay muddada uu garoomada ka maqnaan doono Neymar Jr, waxaana uu kaliya bannaanka joogi doonaa muddo saddex toddobaad ah, taas oo ka dhigan inuu kusoo laaban doono wax bil ka yar.

Wargeysyada L’Equipe iyo RMC ayaa soo tabiyey in Neymar uu maqnaan doono wax aan ka badnayn saddex usbuuc, taas oo war wanaagsan u ah PSG haddii ay dhacdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here