Kariina Kapoor khan oo ka Hadashay Muhiimadda ay leedahay in Qoys Faraxsan la Dhisto.

0
143

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kareena Kapoor waa atariisho caan ah oo ku guuleysatay bilado muhiim ah, waxay shirkadda aflaanta Hindiya ee Bollywood ka tirsanyd muddo 20 sano ah. Mar ay la hadashay Laanta BBC ee la hadashay Aasiya waxay sheegtay in aysan marnaba joojineyn aflaanta iyo tartannada.

20kii sano ee aan ka mid ahaa aflaanta Bollywood, waxaan soo maray marxalado kala duwan, waxaana marba marka ka dambeyso ii kordheyay khibrad, welina ma aaminsani in aan leeyahay khibrad igu filan, sababtoo 20 sano wey yartahay, waxaana filayaa in sanadaha ii dhiman ay khibradeyda sii kordhi doonto,” ayey tiri.

Kareena Kapoor Khan ayaa sheegtay in ay dooneyso in ay aflaanta ka sii mid ahaato 30-ka sano ee soo socota iyadoo dooneyso inay hesho khirad aad ugu filan.

Kareena waxay is guursadeen jilaaga caanka ah ee Sayf Cali Khan, sannadkii 2012-kii, waxaana hadda u joogo hal canug.

Waxay sheegtay in markii ay uurka yeelatay ay dadka aad ugu mashquuleen oo ay ku dheheen ‘waad cayishay; waadna fool-xumaatay’.

“Dadka waxay aaminsan yihiin in haddii qofka uu guursado uusan qaban karin shaqooyinkii uu horay u hayay, marka waxaan u sheegayaa in aysan isku xirnayn,” ayay tiri.

“Aniga atariisho ayaan ahay, waana sii ahaan doonaa weligey, lagamana yaabo in aan u joojiyo guurka dartii.”

Mar la weydiyay waxa uu seeygeeda, Sayf Cali Khan, ka badalay nolsheeda ka dib markii ay is guursadeen, waxay Kareena sheegtay in Seif uu “isu dheelitiray shaqadeeda iyo nolosheeda kale ee caadiga ah, uuna u noqday macallinka nolosha.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here